Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo booqasho ku tagey magaalada Kismaayo.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo kaalinta howlgalka AUSSOM ee dagaalka AS.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warbixin ka siiyay Madaxa Howlgalka AUSSOM arrimaha la xiriira dagaalka AS iyo deegaannada dhawaan laga saarey.
Sidoo kale, Wakiilka cusub ayaa sheegay in ay kaalin ka qaadan doonaan dagaalka ee ka socda deegaannada Jubbaland, iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka.
Shirka gaarka ah ee ay yeesheen Madaxda Jubbaland iyo Howlgalka AUSOM waxaa goob joog ahaa saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda Kenya.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Wakiilka cusub ee Howlgalka AUSSOM uu maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…