Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay Taallada Dhagax-Tuur ee ku taalla magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Taallada Dhagax-Tuur ay astaan u tahay halgankii loo soo maray xornimada dalka, isla markaana ay xambaarsan tahay xusuuso qaran oo aan la illoobi karin.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ilaashadaan midnimadooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda, si loo xaqiijiyo himilada ah in la helo Soomaaliya xor ah, nabad ah, isla markaana horumar gaarta.
Munaasabadda ubax-dhigga waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaanno, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Muqdisho.
Mustaqbal
Booliiska Malaysia oo sameeyay howlgallo ka dhan ah Bulshada Rohingaha waxa uu xiray in ka…
Warbixin uu daabacay Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu soo bandhigay in ay wax…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Nigeria ayaa lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay Dalkaas…
Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan in mas’uuliyadda amniga dalka Soomaaliya lagu…
Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay qayb ka qaadato dadaallada…
Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…