Aung San Suu Kyi Hoggaaamiyaha Xisbiga Talada Myanmar haya National League for Democracy (NLD) waxaa xiray Militariga Dalkaas oo ku dhawaaqay in ay afgambiyeen nidaamka Dowladnimo oo ay hor boodeysay haweeneydaan.
Afhayeen u hadlay Xisbiga ayaa sheegay in talada gacantooda ay ka baxday kadib markii xukun marooqsi lagu sameeyay, waxaana carada afgambiga sababtay ay ka dhalatay doorashada dalkaas oo muran dhalisay.
Militariga talada qabsaday ayaa xiray Hoggaamiyaha Myanmar, waxa ay hawada ka saareen Raadiyaha & Teleefishinka Dowladda, dadka ayaa lagu amray in ay ku sugnaadaan guryahooda, waxaana waddooyinka lasoo dhigay ciidamo wata gaadiid Gaashaamaan.
Ciidanka ayaa ku baaqay in ay dib loo dhigo kalfadhiga Baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo maanta Isniinta, Afhayeenka Xisbiga NLF oo lagu magacabo Myo Nyunt ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay Suu Kyi, madaxweyne Win Myint & hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saakay.
“Waxa aan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin deg deg ah sameynin, waxaanna doonayaa in ay sharciga raacaan,” ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono.
Mareykanka & Dalal kale ayaa durba sheegay in aysan aqbali doonin ficilka Militariga uu sameeyay, waxaana ay soo jeediyeen in talada iyo nidaamka loosoo celiyo sidii hore oo aan qalqal la gelin dalka.
Mustaqbal.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…
Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn…
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada sugaya Amniga Magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii tagay qaybo…
Dalalka Cumaan iyo Masar ayaa xoogga saaraya sidii ay dib ugu billaabi lahaayeen wadahadallada joogsaday…
Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday…