Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh
Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dalka Suudaan Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh,ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Lt Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh,waxaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.
Qoraal kooban oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay imaanshaha madaxa sirdoonka Dalka Suudaan.
Suudaan waxaa ay Soomaaliya ka waddaa Mashruuc lagu tababaro Ciidanka Nabad Sugidda ah ee Soomaaliya,kaas oo ay maalgaliso Dowladda Qadar.
Salax Cabdalla Mahamed,Taliyaha Sirdoonka Suudaan ayaa waxaa Bishii Februay ee sanadkan 2018 magacaabay Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.
Salax oo 62 jir ah ayaa ka mid ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Suudaan tan iyo sanadkii 1980kii.
1990kii waxaa uu ahaa ku xigeenka Madaxa howlgallada sirdoonka Suudaan,waxaana uu ka qeyb ahaa dagaalkii ka dhanka ahaa Midowgii Sovietka ee ka socday Dalka Aghanistan xilligaas.
Salah ayaa la xiray Sanadkii 2012kii,markaas oo looga shakiyay in uu Afgami ku sameyn rabay Madaxweynaha hadda talada haya ee Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir,hayeeshee waxaa la siidaayay markii wax dambi ah lagu waayay.
Waxaa uu ahaa Ardey wax ka bartay Madaxii hore ee sirdoonka Dalka Masar,Cumar Suleymaan,waxaana uu ilaa hadda xiriir dhow la leeyahay Sirdoonka Masaarida.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…