Ibraahim Maxamed Yuusuf (Tima Jilic) Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in cabasho ay qabaan dadka kunool deegaanno dhaca Waqooyiga Kismaayo ay soo gaartay.
Maamulka uu katirsan yahay ee Jubbaland, Hay’adaha Samafalka iyo cid waliba oo gacansiin karta dadkan waxa uu ka dalbaday in ay tagaan deegaanadaas.
Gudoomiye Tima Jilic ayaa sheegay in gacanta maamulka Jubbaland ay ugu jirto Goobahaan ay ka jiraan dhibaatooyinka isku biirsaday.
Qoysaskaan ayuu sheegay in ay dib dhowaan ugu Deegaanadaan oo ay qabsadeen Ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Ibraahim Maxamed Yuusuf (Tima Jilic) Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo ayaa intaa ku daray in hadii aan gurmad dadkaan helin in ay suurta gal tahay in ay dib ugu barakacayaan, iyaga oo raadsanaya nolol dhaanta midda deegaanadooda ku heysato sida uu hadalka u dhigay.
Maamulka Jubbaland ayaa bishii lasoo dhaafay kulan Magaalada Kismaayo ay kula qaateen Xubno ka socda Hay’adaha Samafalka ka socdo waxa ay kala hadleen sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka kaalmada u baahan ee ku sugan deegaanada Maamulkaasi.
Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa dadkii ka barakacay Deegaanada ay sheegeen in ay ka qabsadeen Al-Shabaab faray in ay dib ugu laabtaan, dibna u bilaabaan Beero Abuurka iyo dhaqashada Xoolaha.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…