Loolan siyaasadeed oo culus oo ka dhex dhashay Madaxweynaha talada Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cagjar iyo hoggaamiyihii ka horreeyay ee Cabdi Maxamuud Cumar iyada oo dadka ka falceliyay la kala safteen labadaan musharrax.
Maamulka Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa qabtay kulan lagu soo bandhigayo tacadigii ka timid Dowlad-Deegaanka Soomaalida waqtigii uu Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey) xilka hayay gaar ahaan wixii ka dhacay Jeel-Ogaadeen.
Qaar kamid ah Dadka u ololaynaya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qudhooda waxa ay bannaanka soo dhigeen dhaliilaha gaarka u ah Maamulka Madaxweyne Mustafa Muxumed Cagjar sida in uu dib u dhigay Bulshada Deegaanka.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iska fogeeyay eedahaas uu wajahayo isaga oo ku faanay in uu horumar muuqda gaarsiiyay Dowlad-Deegaanka Soomaalida balse hadda uu dib u dhac ka jiro waa sida uu hadalka u dhigay.
Kooxaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa horay u sheegay in Siyaasiga Cabdi Maxamuud Cumar uu Dowlad Deegaanka Soomaalida ka gaystay xadgudub ka dhan ah Aadanha isla markaanna dad badan uu nafta dhaafiyay halka kuwo kale uu mariyay ciqaab adag.
Isbaddelkii ka dhacay Itoobiya waa markii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas uu qabtay Abiy Ahmed waxa uu horseeday in xabsiga la dhigo Cabdi Maxamuud Cumar inkasta oo dib loo fasaxay iyada oo aanay jirin ciqaab la mariyay sida hadalka loo dhigay.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…