Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Leroy Sane iyo David Silva oo hogaaminaya laacibiinta u tar-tamaya xidiga bisha ee Premier League-ga.

Laacibiinta hogaamiya kooxda Man City ee Leroy Sane iyo David Silva oo hogaaminaya xidigaha u tar-tarmayi doono abaalmarinta xidiga bishii November.

City ayaa dhamaan wada badisay kulamadii bishii hore iyaga oo dhaliyay 13 gool kulamadii 3-da ahaa ee ay ciyaareen premier league.

Waxa ay 6 gool ka dhaliyeen Southampton ka hor inta ayna Man United ka badin si la mid ah 4 gool kaga badin kooxda West Ham.

 Xiddiag reer England ee Raheem Sterling ayaa laf dhabar u aha kooxdiisa Bishaas isaga oo 2 gool ka dhaliyay kulamadii ay kooxdiisu ciyaartay bishii hore.

Sane ayaa dhanka kale dib u helay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa isaga oo dhaliyay 2 gool kulankii West Ham sidoo kale gool dhaliyay kulankii Southampton.

Silva oo kabtan u ah kooxda bishii hore ayaa dhaliyay 3 gool kulamadii ay ciyaartay man city bishii la soo dhaafay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara Liverpool ee Andy Robertson ayaa sidoo kale ku tartamaya abaalmarinta bisha kadib markii uu xiddiga reer Scotland qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Xiddiga kooxda West Ham ee Felipe Anderson ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha u tartamaya abaalmarinta kadib 3 gool oo uu dhaliyay bishii November.

Si la mid ah xiddiga Tottenham ee Moussa Sissoko iyo daafaca kooxda Everton ee Lucas Digne ayaa ku soo baxay Liiska 7-da xiddig ee u tartamaya abaalmarinta.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

10 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

12 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

15 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

16 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

17 hours ago