laba kamid ah xubnaha Kastamka Canshuuraha Dekeda Muqdisho oo xabsiga laga sii daayay.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in xabsiga laga sii daayay laba Mas’uul oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha ee dekada magaalada Muqdisho, kuwaasoo la xiray 18-kii Bishii hore ee Augost.

Sii deyntooda waxaa la sheegay iney ku timid qaab damaanad ahaan, Xubnaha la sii daayay waxey kala yihiin Nadar Tibaax Malain oo eheyd kuxigeenka Madaxa Kastamka Canshuuraha iyo sidoo kale Muuse Rooble oo isagana Madax Qeybeed ah.

Dowladda Somaliya wali kama hadal sii deynta xubnaha iyo in lagu waayay eedihii loo heystay oo ay kamid eheyd Musuq maasuq.

Sidoo kale waxaa fashil ku soo dhamaaday dadaalo lagu doonayay in xabsiga looga sii daayo Madixii Kastamka Canshuuraha ee Dekada Muqdisho Axmed C/llaahi Samoow iyo Saddrx xubnood oo kale kuwaasoo la xiran.

Xubnahan waxey kuxiranyihiin xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana dadaalada la xiriirta sii deyntooda waday Wasiiro yo Xildhibaano katirsan Dowladda Somaliya oo ay heyb ahaan is xigaan xubnaha xiran.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

16 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

16 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

16 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

18 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

19 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

20 hours ago