Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa xarig loo geystay Xubno katirsan Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Weyn ee Magaalada Muqdisho, Kastamka Canshuuraha waa halka lagu Canshuuro Badeecadaha iyo Alaabaha ka soo dega Dekeda Muqdisho, inta aysan dibedda usoo bixin.
Wararka, waxa ay sheegayaan in ku dhowaad 10 qof oo kamid ah Masuuliyiinta Kastamka Canshuuraha loo jaray Warqad lagu soo xirayo, waloow qaarkood wali gacanta aan lagu heyn.
Xarunta dnabi baarista ee C.I.D, Waxaa haatan ku xiran lix kamid ah Xubnaha Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Muqdisho, Dadka la xiray waxaa ku jirta Haweeney Maamule kuxigeen ka ah Kastamka.
Saraakiil katirsan Xafiiska Hnati Dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa Mustaqbal usheegay in dadka la xiray 5 Kmaid ah ay yihiin rag, halka ruuxa kalena ay tahay Dumar, Sababta dadkan loo soo xiray waxey ku sheegeen arimo la xiriira Musuq Maasuq.
Ciidamada ka socday Hay’ada danbi baarista, ayaa sidoo kale waxey gudaha ugaleen Dekeda Muqdisho, iyagoo la wareegay Xafiiska Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Muqdisho, waxeyna gabi ahaanba joojiyeen Shaqadii halkaasi ka socotay mudadii ay baaritaanka wadeen.
Ciidamada C.I.D, ayaa la soo sheegayaa iney la’yihiin Axmed C/llaahi Samow oo ah Maamulaha Kastamka Canshuuraha ee Dekeda Muqdisho, wuxuuna kamid ahaa dadka warqada lagu soo xirayo loo Jaray.
Maxamed Maxamuud Cali Afgooye, oo ah Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa mudooyinkanba si gaar ah isha ugu hayay, sida ay usocoto Shaqada Kastamka Canshuuraha, taasoo ugu dnabeyn keentay in Saraakiil xabsiga loo dhigo Musuq.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…