Pm Hassan Ali Keire
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah oo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan in si deg deg ah ku ugu soo laabtaan xarunta wasaaradda arimaha dibadda si wadatashi loola yeesho mudda ku siman laba toddobaad oo ka bilaabanaysa 19/08/2018.
Amarkaan oo maanta (18/08/2018) kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo uu ku saxiixanyahay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Danjire Siciid Xaaji Maxamuud, ayaa lagu war-geliyay mas’uuliyiinta in ay dhawraan waqtiga loo qabtay in ay dalka kusoo laabtaan.
U yeeridda biblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…