Dowladda Kuwait ayaa sheegtay in ay qabaneyso shir lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya,kaas oo ay ka qeybgeli doonaan deeqbixiyayaasha Caalamka ee taageera Somaliya.
Danjiraha Dowladda Kuwait ee Midowga Europe, Jasem Al- Budaiwi, ayaa ku dhawaaqay in shirkaas ay dowladdiisa qabaneyso.
Waxaa uu sheegay in waxbarashada ay tahay sheyga ugu muhiimsan ama 2aad ee looga adkaan karo baahida,xagjirnimada iyo dhibaatooyinka kale ee qatarta nolosha horseeda.
Danjire Jasem ayaa sheegay in dalkiisa uu sanadkii la soo dhaafay ee 2017 kaliya ku bixiyay kaalmada Soomaaliya lacag dhan $50Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Waxaa kale oo uu sheegay in shirkii Somalida ee Brussels ka hor dalkiisa uu Qaramada Midoobey ku wareejiyay $30Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo lagu taageerayo Soomaaliya.
Danjire Jasem,ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii Soomaaliya laga joojin lahaa gargaarka looguna beddeli lahaa maalgashiga oo aad uga faa’ido badan kaalmada.
Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…
Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…
Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…
Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…