Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeeray dugsiga sare ee Jabuuti oo kamid ah iskuulladii dhawaan ay dawladdu la wareegtay, ayaa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ku ammaanay hannaanka hufnaanta iyo dhaqsaha leh ee ay iskuulaadka ku gaarsiinayso buugaagta manhajka cusub ee waxbarashada.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Wasiiru dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, ayaa mid mid u galay fasallada iskuulka oo ay ka socotay qaybinta buugaagta manhajka ay dhawaan dawladdu daah-furtay, waxa uuna xog-waraystay maamulka iyo macallimiinta iskuulka.
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in dawladda ay ka go’antahay dhaqan gelinta waxbarasho lacag la’aan ah oo leh tayo sare.
Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulaha iskuulka kula dardaarmay in si hufan loo dhaqan geliyo manhajka si ardayda Soomaaliyeed uga faa’iidaystaan loona dhiso garaadka iyo aqoonta jiilka soo koraya.
Xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guulaysatay hir-gelinta manhajka cusub iyo waxbarasho lacag la’aan ah si sare loogu qaado tayada waxbarashada, wiil iyo gabar kasta ee Soomaaliyeedna loo siiyo fursadda waxbarasho ee ay xaqa u leeyihiin.
Hir-gelinta nanhajka ayaa meesha ka saaraysa dhibaatadii lagu qabay manhajyadii kala duwanaa ee dibadda laga soo dhoofiyay, waxa uuna fudaynaa tayaynta waxbarashada, kormeerka iskuulladda iyo qaadista imtixaanka midaysan.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…