WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Khasaare ka dhashay Duqeymo Mareykanka ka Fuliyay Dekedda Ras Isa ee Yemen

Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhintay halka 102 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen dekedda shidaalka ee Ras Isa ee Yemen.

Telefishinka Al Masirah, oo ku hadla afka Xuutiyiinta, ayaa xaqiijiyay duqeymaha, in kasta oo aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha soo gaarey dagaalyahanadooda.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday dhaqaalaha kooxda Xuutiyiinta si looga jaro ilo dhaqaale oo ay ka helaan taageeradooda dagaal.

“Ujeeddada weerarradan waxay ahayd in lagu wiiqo awoodda dhaqaale ee Xuutiyiinta oo sii xumeynaya nolosha dadkooda,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo dhigeen baraha bulshada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) weli kama aysan jawaabin wararka la xiriira tirada sii kordheysa ee dadka ku dhintay.

Werarrada ayaa noqonaya kuwii ugu dhimashada badanaa ee Mareykanku ka geysto dalka Yemen, tan iyo markii Xuutiyiinta ay billaabeen weerarada ay ku hayaan Maraakiibta Israel.

Qiyaastii 70 boqolkiiba badeecadaha Yemen la geeyo iyo 80 boqolkiiba gargaarkeeda bani’aadamnimo waxay maraan dekedaha Ras Isa, Xudeydah iyo as-Salif.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago