Kenya oo Shuruudo adag hordhigtay Soomaaliya si xal looga gaaro muranka labada Dal.

Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, Dowladda Kenya ayaa ku xirtay Soomaaliya sadex shuruud oo jawaab u ah warkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in shuruudahaas oo Soomaaliya buuxiyo ay u aragto kuwo xal u noqon kara khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada Dal.

Xukuumadda Nairobi ayaa u muuqata in walwal badan ay ka qabto shirkii 7-dii bishaan ka dhacay Magaalada London ee lagu Suuq-geynayay Shidaalka iyo Kheyraatka Soomaaliya.

Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa ayaa ah in Soomaaliya ay ka noqoto qaybaha ka mid ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suuq-geysay Shirkii London ka dhacay Bishaan.

Shuruudda labaad ee ay Kenya ka dalbaneyso Soomaaliya ayaa ah in Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan shirkaddihii baayacay xirmooyinkii dhulka shidaalka ee ay ku soo bandhigtay shirkii London, una cadeyso in aysan Soomaaliya dhulkaasi laheyn.

Shuruudda saddexaad ayaa, in Kenya ay dooneyso in wada xaajood ay labada wadan ka galaan arrinta muranka badda oo ay xal walaalnimo ka gaaraan, iyada oo aan la marin Maxakamadda caalamiga ah ee Hague ee ay hadda dacwadooda taalo.

Warbaaahinta Kenya ayaa shuruudahaan kasoo xigtay Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Macharia Kamau

Waxa uu intaa raaciyay in ay doonayaan in Soomaaliya ay buuxiso saddexdaas shuruud, hadii kalena aan waxba kasoo naasa-cadaan doonin xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya go’aanka halka dhinac ah ka qaadatay, maadaama Safiirkeeda Soomaaliya ay la baxday, Danjirihii Soomaaliyane ay dib ugu soo celisay Magaalada Muqdisho.

Xalay ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay Dowladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay Mowqifka weligeed ee Dowladda Soomaaliya iyo dacwadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Danjiraha Somaliya ee Kenya oo Madaxweyne Farmaajo kula kulmay Madaxtooyada .

Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran Dowladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

Dowladda Kenya ayaa u muuqata in ay sii cakireyso Khilaafka labada Dal, iyada oo dooneyso in ay gaarsiiso meesha ugu sareyso, marka la eego shuruudaha ay soo bandhigtay oo ah kuwo adag.

Mustaqbal media

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

1 hour ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

2 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

5 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

5 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

5 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

17 hours ago