Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare oo lagu dhawaaqay waqtiga uu furmayo.

Kulan ay maanta yeesheen Guddiyada Joogtada Golaha Aqalka sare waxa ay kaga doodeen Waqtiga uu furmayo Kalfadhigooda 5-aad iyo Ajendayaasha la horgeynayo.

Dood dheer kadib waxa ay isku raaceen in fadhiga uu furmo 16-ka Bishaan Maarso 2019ka, si Golaha uu meelmariyo Ajendayaasha Horyaalla.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan Habdhowraha Golaha Aqalka sare oo shirkooda kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay meelmariyeen qorshe howleedka Ajendayaasha sida loo kala hormarinayo.

Waxaa la wargeliyay Senatada ku maqan fasaxa in ay soo xaadiraan waqtiga furmashada Kalfadhigooda oo ku beegan Sabtida Todobaadka soo socda.

Golaha Aqalka sare ayaa fasax galay 10-kii Janaayo 2019 kadib markii loo xiray Kalfadhigii 4-aad ee Golaha.

Aqalka sare waxa uu matalaa Maamulka Goboleedyada, waxaana loo gudbiyaa Hindise sharciyeedyada Golaha Shacabka ay meel mariyaan kahor inta aan u gudbin Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ugu dambeyn kusoo saaro Digreeto ama Xeer Madaxweyne.

Web master

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

36 mins ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

7 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago