GUDAHA/wararka

Jaamacadda Carabta & Midowga Afrika oo bogaadiyay Doorashadii Dadweyne ee Muqdisho ka dhacday

Jaamacadda Carabta iyo ururka Midowga Afrika ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay Doorashadii nabadgalyada ku qabsoomtay ee shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho, taas oo ay ku tartameen 20 urur Siyaasadeed oo horay isu diiwaangeliyay.

Waxa ay garab istaag u muujiyeen Dowladda Federaalka iyo Shacabka iyaga oo codaynta sida ay u dhacday & qaabka looga shaqeeyay adkaynta Amniga ay bogaadiyeen, waxaana ay ku tilmaameen mid u dhacday si dimuqraadiyad ah.

“Doorashada ka dhacday Muqdisho xaqiiqdii waxa ay muujinaysaa kana tarjumaysaa sida ay Soomaaliya uga soo kabatay burburkii iyo caqabadihii hortaagnaa, waxa aan bogaadinaynaa Dadka codeeyay iyo Dowladda xoogga saartay amniga” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaa amniga sugayay Ciidamada Soomaali ah waxa ay sii xoojisay kalsoonida lagu qabo in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda Amniga Dalkooda sida ay sheegeen falanqeeyaan kala duwan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

15 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

30 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago