Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay martigelisay ku dhawaad 800,000 oo dhallinyaro ah oo kasoo jeeda Gobolka Tigray ee Waqooyiga Dalkaas kaddib markii ay ka cabsadeen in Xoogagga TPLF ay askareeyaan ciidankaas.
Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya, Gen. Field Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay in Dhallinyaradaas ay hadda ku hayaan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalkaas maadaama ay ka badbaadeen dabinnada lagu askarayn rabay.
General Birhanu Jula ayaa sheegay in howlgallada ka dhan ah Xoogagga diidan nidaamka Dowladda ee TPLF ay doonayaan inay si qasab ah ku qoraan Dhallinyarada mar haddii ay ka dhinteen xubnihii ka dhinac dagaalamayay oo guuldarro qaraar la dhadhansiiyay waa sida uu hadalka u dhigay.
Ma jiro mas’uul katirsan TPLF oo beeniyay ama xaqiijiyay Sheegashada Itoobiya ee la xiriirta in dhallinyaro gaaraysa 800,000 oo qof ay ka baxsadeen Gobolka Tigray isla markaana ay gaareen Magaalada Addis Ababa.
Mustaqbal
Dowladda Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay ka taageeraan la wareegida mas'uuliyadda Amniga…
Ilaa shan muwaadin oo Mareykan ah ayaa muddo saacado ah lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Cigaal…
Golaha Wadatashiga Qaranka oo muddooyinkii dambe ahaa madashii ugu sarreysay ee madaxda dowladda federaalka iyo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale u taagan Xilka uu hayo ee…
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgallo ka dhan ah…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka oo ay…