GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay Jaamacadda Difaaca Qaranka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka oo ay hirgalineyso Dowladda Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa Jaamacadda sheegay in ay soo saari doonto aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh xirfad iyo karti ay ugu adeegaan difaaca iyo ilaalinta qaranka.

Jaamacadda Difaaca Qaranka ayaa loo dhisayaa qaab casri ah, iyadoo ka koobnaan doonta dhammaan qaybaha lagama maarmaanka u ah xarun waxbarasho oo heer jaamacadeed ah, sida kulliyado kala duwan, xarumo cilmi-baaris, goobo tababar iyo deegaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dib-u-dhiska Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay fulinayaan Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, kana koobnaan doona saddex dabaq oo loo dhammeystirayo adeegyada caafimaad ee looga baahan yahay isbitaal casri ah, si loo xoojiyo daryeelka caafimaad ee ciidamada iyo bahda kale ee adeegga ka hela.

Tillaabada dhagax dhiga ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isku diyaarineysay la wareegida mas’uuliyadda Amniga dalka iyo tababarka Ciidamo cusub.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shacabka Cape Varde oo kala dooranaya 6 musharrax oo isku qaab u ololeeyay

Dalka Cape Varde ee dhaca Galbeedka Afrika sidoo kalena ku yaalla Badweynta Atlaantikada waxa uu…

14 hours ago

AS iyo Ciidanka DF oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan

Xubno katirsan AS ayaa saaka weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Federaalka ay ku leeyihiin Deegaanka…

15 hours ago

Mustaqbalka Saxaafadda Soomaaliya iyo Garaad Gacmeedka

“Xilligan qiimaha warbixinnadu kuma koobnaan doono degdegga wararka. AI waxa uu beddelayaa habka macluumaadka loo…

15 hours ago

Dagaalka Al-Shabaab & Dowladda Federaalka Soomaaliya: 2022–2026

"Hiiraan waxa ay noqotey xudunta kacdoonka, halka Baxdo iyo deegaanno kale oo Galgaduud ah ay…

16 hours ago

Soomaali lagu dilay Xadka u dhaxeeya Itoobiya & Kenya

Ugu yaraan siddeed qof oo rayid ah oo Soomaali ah oo ay ku jiraan haween…

16 hours ago

Maraykanka oo baaraya muuqaallada laga helay dhismo ku dumay New York oo sababay geerida 8 qof

Muuqaal cusub oo laga helay dhismo dhawaan ku dumay Dadkii degenaa oo ku yaalla Xaafadda…

16 hours ago