Israa’iil iyo Maraykanka ayaa weerar toos ah ku qaaday Dalka Iiraan iyada oo saacadihii lasoo dhaafay ay socdeen hadallo adag oo muujinaya weerarkaan maadaama Tehran ay diiday shuruudihii ku adkaaday ee Donald Trump hordhigay.
Waxaa lasoo wariyay in dhowr gantaal ay ku dhaceen Waqooyiga Magaalada Tehran, waxaa jira jawaabo ay bixinayso Iiraan iyada oo kahortagaysa in hawadeeda ay qabsadaan Diyaaradaha Isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil.
Iiraan oo aan dab yar shidayn ayaa horay u sheegtay in ay jawaab culus ka bixin doonno weerarrada ay abaabulayaan Israa’iil & Maraykanka, waxaa lagu soo warramay in iska caabbin xooggan ay kala hortagtay duullaankaan socda.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo muuqaalkiisa u muuqda mid horay usii diyaarsanaa kahor weerarkana la duubay ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay burburinta Warshadaha Hubka ee Dalka Iiraan.
Isaga oo ka hadlay heshiiskii socon waayay waxa uu yiri “Marar badan ayaan isku daynay inaan heshiis gaarno. Waan isku daynay” waxa uu intaas ku sii daray “Waxaan burburin doonnaa gantaalladooda, waxaana dhulka la simi doonnaa warshadahooda gantaallada. Si buuxda ayaa loo tirtiri doonaa”.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…