GUDAHA/wararka

Dadka Itoobiya ee Isticmaala WhatsApp oo looga digay Burcad dhici karta inta lagu guda jiro waqtiga Doorashada Dalkaas

Hay’adda Ilaalinta Amniga Internet-ka ee Itoobiya (INSA) ayaa soosaartay digniin la xiriirta suuragalnimada burcad dhac u gaysan karta Koontooyin WhatsApp inta lagu guda jira Doorashada Jiilka 7aad ee Baarlamaaniga ah ee Dalkaas.

Bayaan kasoo baxay INSA ayaa lagu sheegay in kooxahaan ay ka faa’iidaysan karaan mashquulka Doorashooyinka sidaas awgeed ay ka digayso in laga feejignaado iyagana dhankooda ay dedaal xooggan gelinayaan arrintaas.

Dadka sida gaarka ah ee loo beegsan karo ayaa lagu sheegay in ay kamid yihiin Saraakiil Dowladeed, Arday Dibadda ku nool, Dad dhigta Waxbarashada Online-ka ah iyo shaqsiyaadka caanka ah baraha Bulshada sida bayaanka lagu xusay.

Hay’adda ilaalinta Amniga Internet-ka Itoobiya ee INSA ayaa tusaale usoo qaadatay waxyaabaha dadka lagu dhici karo iyada oo xustay in qofka loo dirayo Linki ama lifaaq lagu sheegayo macluumaad uu u baahan yahay oo  haddii uu gujiyo sidaas looga jabsanayo.

Sidoo kale waxa ay hay’adddu tusaale usoo qaadatay in qof weliba loo diri karo ereyadaan oo haddii qofku raaco la jabsan karo akoonkiisa WhatsApp sida “Ku muuji taageerrada Xisbigeenna adiga oo gujinaya linkigaan” ama “kusoo biir kooxda olaha Doorashada”.

Itoobiya ayaa ku howlan Doorashada Xubnaha Baarlamaanka oo 547 Mudane waxa uu ka imaanaya Ismaamullada kala duwan ee Dalkaas, waxaa socda olole xooggan oo ay wadaan Xisbiyada Siyaasadda iyo shaqsiyaadka u hardamaya helista Kuraastaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

1 hour ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago