Hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee loo soo gaabiyo IOM ayaa maanta xafiiskeeda u soo wareejisay magaalada Muqdisho, kana soo wareegtay Nairobi.
Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan oo ka qeybgalay munaasibadda lagu furyay xafiiska IOM ee Muqdisho ayaa bogaadiyay go’aanka hay’adda ay xafiiskeeda ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho.
Wasiir Jamaal Maxamed , ayaa dhamaan hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ugu baaqay in ay raacaan IOM islamarkaana xafiisyadooda ka furtaan Muqdisho.
Wasiirku waxaa uu sheegay in Hay’addii xafiiskeeda Muqdisho u soo wareejin weysay waxii ka horreeya 31ka Bishan December ay Dowladda Federaalka ah kala laabaneyso ruqsadda ay uga shaqeyso Soomaaliya.
Dhowr bilood ka hor ayuu Wasiir Jamaal Hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala Soomaaliya ku wargeliyay in ay xafiisyadooda Nairobi u soo wareejiyaan Muqdisho.
Burburkii kaddib hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee aan dowliga ahayn ayaa waxaa ay ku shaqeynayeen Xafiisyo ay ku leeyihiin caasimadda Kenya ee Nairobi.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…