Dowladda Denmark ayaa sheegtay in kun qof oo Soomaali ah ay lumiyeen sharciga degganaanshaha Dalka Denmar islamarkaana ay dib ugu celinayaan dalkooda.
Wasiirka Socdaalka Dalka Denmark,Inger Støjberg, ayaa sheegtay in dadkaasi billowgii 2017kii ay ku billaabeen dib u eegista sharciyada degganaanshaha ee Denmarka ay ku joogaan.
Waxaa kale oo ay sheegtay in dalka Soomaaliya uu hadda leeyahay meelo amaan ah oo dadkaas ay dib ugu laaban karaan halkaas oo uu ehelkooda kaga horreeyo.
kaliya 18% dadkii dib u eegista lagu sameeyay noloshooda ayaa la oggolaaday in ay sii joogi karaan Dalka Denmark,waxaana Guddiga socdaalka oo hoostaga wasaaradda socdaalka ay sheegeen in 40% dadkaasi lagu celiyay wareysiyadii lagu qaatay markii hore kaddib markii lagu arkay xogo been abuur ah.
Dowladda Denmark ayaa sheegtay in qofkasta oo ku laabanaya dalkiisa, la siinayo taageero dhinaca safarka ah oo gaareysa $16,056 oo doollar oo ah dadka waaweyn halka Carruurta qofkiiba la siinayo $4,817 oo doollar.
Dowladda Denmark ayaa sheegtay 42 Qof oo Soomaali ah dalkooda dib loogu celiyay sanadkii 2017kii,halka sanadkan 2018 ay dib u celisay 32 Qof oo Soomaali ah.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…