Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis afka ah la gaartay xiddig u ciyaara kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.
Inter ayaa la sheegayaa in ay heshiis hordhac ah la gaartay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey.
Heshiiska xiddiga reer Wales ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu si xor ah uga tagi karaa kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates.
Maamulka Arsenal ayaaa xiddiga u sheegay in ayna wax niyad ah u hayn in ay u soo bandhigaan heshiis cusub inkasta oo ay wadahadalo la fureen bilowgii.
Wararka ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga reer wales kooxda Inter u sheegay in uu mushahar ahaan u doonayo lacag dhan 6 ilaa 7 milyan oo euro sanadkii taas oo ah mid ay Inter ogolaatay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…