In ka badan 1.6 milyan oo xujey Muslimiin ah ayaa gaaray dalka Sacuudi Carabiya si ay u gutaan waajibaadka sannadlaha ahee Xajka.
Tiradan ayaa muujinaysa kororka xujeyda ka soo qulqulaya daafaha caalamka ee ku wajahan magaalada barakaysan ee Maka.
Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay kor u qaadeen tallaabooyinka amniga iyo kuwa lagu xaqiijinayo badqabka dadweynaha, si loo maareeyo saxmadda weyn ee ka jirta guud ahaan goobaha barakaysan.
Waxaa la geeyay ciidamo dheeraad ah iyo shaqaale caafimaad si loogu adeego malaayiinta qof ee gudanaya rukunka shanaad ee Islaamka.
Gudashada waajibaadka Xajka ayaa la filayaa inay si rasmi ah u bilaabato maalmaha soo socda, iyadoo xukuumadda Sacuudigu ay ballan-qaaday inay isticmaalidoonto tignoolajiyad casri ah si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa xujeyda.
Mustaqbal
Hoggaamiyaha Maamulka Galmudug oo khamiistii la caleemosaaray ayaa safarkiisii ugu horreeyay maanta uga baxay Dhuusamareeb…
Dowladda Suuriya ayaa qaadaysa tallaab ay ku masaafurinayso Ajaanib isugu jirta Soomaali iyo Suudaanees kuwaas…
Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa baaqday caleemosaarka maamulkiisa maanta loogu samaynayo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada…
Masar ayaa mar kale ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida iyo…
Ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa isaga baxay saldhigga diyaaradaha ee Baledoogle, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha…