GUDAHA/wararka

Howlgalka AUSSOM oo hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ugu hambalyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 65-aad ee xuska maalinta xorriyadda.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in munaasabaddan qiimaha leh ay tahay fursad lagu xusuusto horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dadaalka nabadda iyo xasilloonida,

Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay adkeysigooda iyo go’aankooda ku aaddan dhisidda mustaqbal ifaya.

Howlgalka AUSSOM ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamay geesiyaal si naf-hurnimo leh ugu shaqeeyay amniga dalka, kana hortagay falal xagjirnimo,

Howlgalka Midowga Afrika waxa uu sidoo kale bogaadiyay hoggaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu sheegay inuu dalka ku hoggaamiyay waddo horumarineed isla markaana sare u qaaday sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, AUSSOM ayaa sheegtay in ay adkeeynayso taageeradeedda buuxda ee ku aaddan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha nabad waarta.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

47 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

14 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

19 hours ago