Howlgalka amaanka ee AMISOM oo dib u eegis lagu samenyanayo

Madaxda ugu sarreysa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan shaqada Howlgalka.

Kulanka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarayaa qeybta howlgallada dhinaca amaanka ee AMISOM,waxaana uu gogol dhig u yahay shir dhamaadka bishan ka furmaya Muqdisho oo ay yeelanayaan Madaxda AMISOM iyo daneeyayaashooduba.

Waxyaabaha kale ee xoogga lagu saarayo kulanka oo ka socda Muqdisho waxaa ka mid ah fulinta qorshaha kala guurka ee ay AMISOM dalka uga baxayaan.

Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Gen. Jim Beesigye Owoyesigire,ayaa sheegay in shirkani uu ku soo aaaday xilli xasaasi ah oo ay Midowga Afrika,Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isku raaceen qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

Madax howlgalka AMISOM, Francisco Madeira, ayaa ugu baaqay taliyayaasha shanta qeybood ee howlgalka AMISOM in ay isu yimaadaan islamarkaana isla meel dhigaan qorshe si kama dambeys ah looga adkaan karo Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in sida kaliya ee Dowladda Federaalka ah loogu wareejin karo amaanka dalkeeda ay tahay in marka hore lagala shaqeeyo dhismaha ciidan ku filan sidoo kalena laga gacansiiyo dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

Mustaqbal media

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

2 hours ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

2 hours ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

4 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

9 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

10 hours ago