Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

HORDHACA: Valencia Vs Barcelona+Xaqiiqooyinka Kulanka.

Kooxda Barcelona ayaa cwa waxey garoonka Mastella kula ciyaari donaan kooxda Valancia kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa raadinaysa 3-da dhibcood ee kulanka kadib markii ay ku fashilantay in ay wax guul ah gaarto 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.

Dhanka kale kooxda Valencia ayaa raadinaya in ay saaxiibada Lionel Messi ka gaartaan guushii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2007.

Kulanka: Valencia Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Mestalla

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 Valencia ayaa hal mar oo kaliya ka badisay Barcelona 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka La Liga la ciyaartay kooxda Barcelona waxana ay guushaas timid April 2016 markaas oo ay 2-1 uga abdisay halka ay 5 kulan guuldaro kala kulmeen si la mid ah 2 kulanna bar-baro galeen.

Barcelona ayaa ah kooxda kaliya ee dhibcaha ugu badan heshay markii gool looga hor maray horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo helay 8 dhibcood marka looga hor maray goolka 1-aad.

Valencia ayaan garoonkeeda Mestalla kaga badin Barcelona tan ilaa sanadkii 2007 markaas oo ay 2-1 uga badiyeen tan ilaa haatan waxa ay bar-baro la gashay 6 kulan halka ay guuldaro la kulantay 5 kale.

Catalan ayaa ah kooxda goolasha ugu badan ka dhalisay shabaqa Valencia taariikhda horyaalka La Liga waxana ay ka dhaliyeen 313 sidoo kale waa kooxda guulaha ugu badan ka gaartay Valencia iyaga oo ka badiyay 33 kulan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

14 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

17 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

19 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

20 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

20 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

21 hours ago