Kooxda Huesca ayaa si cajiib ah ku bilaabatay horyaalka La Liga iyada oo aan ilaa haatan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkeedii ugu horeeyay.
Huesca ayaa markan isku dayi doonta in ay qabato kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga marka ay kula ciyaari doonto garoonka Camp Nou kulan ay Barcelona isha ku hayso in ay guul gaadho.
Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Valladolid xilli goolka kaliya ee ay kulankaas ku badisay uu dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele.
Kooxda reer Catalan ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u sii wadi lahayd qaab ciyaareedkeeda fiican ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyo gool daro la,aanta Horyaalka La Liga.
Kulanka: Barcelona vs Huesca
Tartanka: La Liga
Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo
Garoonka: Camp Nou
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay labada kooxood wada ciyaaraan horyaalka La Liga kadib markii ay kooxda Huesca taariikh samaysay una soo dalacday horyaalka La Liga.
Copa del Rey ayaa ah kaliya kulanka kaliya ee ay wada ciyaareen labada kooxood iyaga oo ku kulmay 4 sano ka hor markaas oo ay kooxda Barcelona labadii kulanba guul gaadhay.
Kooxda Barcelona ayaa ku badisay 12/1 marka la isku daro natiijada labadii lugood iyada oo ay kulankii Huesca kaga badisay 4/0 ka hor inta ayna 8/1 uga badin kulankii Camp Nou.
SHAXDA MACQUULKA AH.
Barcelona: Ter Stegen, Roberto, Umtiti, Pique, Jordi Alba, Busquets, Rakitic, Arthur Melo, Messi, Suarez, Dembele.
Huesca: Werner, Miramon, Pulido, Etxelta, Luisinho, Melero, Musto, Gallar, Ávila, Cucho, Longo.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…