WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo sheegay in ay kordhinayaan soo saarista Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa dardar galinayo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, kuwaasi oo awooda in ay ku shaqeeyaan Caqliga macmalka ah.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in Kim uu kormeeray tijaabada noocyo kala duwan oo sahamin ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay soo saartay Kuuriyada Waqooyi ee aan duuliyaha lahayn.

Kim ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siinayaan soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku shaqeeya Caqliga-macmalka, si ay ula qabsadaan Tiknoolajiyadda Caalamiga.

Diyaaradahan ayaa loo adeegsan karaa weerarada Ismiidaaminta iyo Sahanka, waxaana isticmaala Militeriga xilliyada dagaalka.

Xukuumadda Kuuriyada Koonfureed ayaa ka digtay suurtagalnimada in qalabka ay soo saarto Kuuriyada Waqooyi ay helaan millatariga Ruushka oo ku jira dagaalka Ukraine.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

5 mins ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

33 mins ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

2 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

2 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

16 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

17 hours ago