Guddiga Fulinta Hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo dhameystiray dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo saaray dhowr qoddob ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warbixin ay soo saareen guddigan Sare ee IMF ayay ku sheegeen in ay dhameystireen dib u eegista Barnaamijka Deyn cafinta qeybta kaalmada, kaasi oo Soomaaliya u oggolaanaya in ay hesho 10 milyan oo doollar.
Guddiga IMF ayaa boggaadiyay horumarrada Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada arruurinta canshuuraha, casreynta adeegyada iyo sharciga cusub ee Canshuurta Dakhliga.
Sidoo kale, waxaa ay soo jeediyaan in dowladda dadajiso dadaallada ay ku soo daabaceyso lacagta Shilin Soomaaliga oo xilligaan baahi weyn u qabaan bulshada Soomaaliyeed.
Warbixinta Guddiga IMF waxaa sidoo kale looga hadlay dadaallada soo saarista Shidaalka iyo Batroolka Soomaaliya, iyada oo lagu baaqay in la helo sharciyo adag oo joojin kara musuqmaasuqa.
Ugu danbayn hayadda IMF ayaa sheegtay in Koboca dhaqaalaha Soomaaliya ee la filaayay sannadka 2025 uu hoos u dhacay marka la barbar dhigo sannadka 2024.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…