GUDAHA/wararka

Hadal heyn ka dhalatay tillaabo ay ku dhaqaaqeen dad u dhashay Israa’iil oo tagey Hargeysa

Dad la sheegay inay ka soo jeedaan Israa’iil ayaa lagu arkay iyagoo dul maraya meel uu yaallay Calanka Towxiidka ku qoran yahay ee Maamulka Somaliland, xilli ay ku sugnaayeen mid ka mid ah madbacadaha ku yaalla magaalada Hargeysa.

Madbacaddan ayaa lagu daabacayay calamada Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo ay booqdeen dhowr qof oo ka soo jeeda Israa’iil.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqsiyaadkan oo dul maraya calanka Somaliland ee ku qoran yahay towxiidka, tillaabadaasi oo dhalisay hadalheyn iyo caro bulsho.

Qaar kamid ah bulshada ayaa ku baaqay in Somaliland muujiso sida ay uga xun yihiin falka ay ku kaceen shaqsiyaadkaasi, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen muuqaalo been abuur.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli dhowaan Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga ay siisay Somaliland, iyadoo go’aankaasi ay cambaareeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka caalamka.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

34 mins ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

3 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

3 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago