“Gurmadka aan dhiibno, waxaan ka dhaxalnay Jaceyl naloo qaaday” Amina Erdogen.

Amina Erdogen oo ah Marwada Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegtay in dalkeeda uu kaalinta koowaad ugu jiro howlaha gargaarka Bani aadamnimo ee Caalamka.

Iyada oo ka hadlaysay Shir looga hadlayay Gargaarka Bani aadamnigada iyo dhaqaalaha ku baxa ayay soo qaadatay in dalal dhowr ah ay taageereen.

“Waxaan kaalin muhiim ah ka ciyaarnay gurmadyada la siiyo dalalka u baahan in lagu caawiyo” ayay tiri Amina Erdogen.

Waxa ay intaa ku dartay in ay sii wadi doonaan kaalmadooda ay ku gaarsiinayaan dadka u baahan, waxa ayna meesha ka saartay in in ay deyn  ugu dhigayaan dalalka ay gacan siinayaan.

Amina ayaa tiri “Waxaan Nolol iyo Cadalad u rajeynayaa Walaalaheen Soomaaliya, Yemen, Siiriya, Gaza iyo Myanmar”.

Gargaarka ay dhiibayaan ayay tilmaantay in ay waajib ku tahay in ay siiyaan dadka u baahan, iyada oo intaa sii raacisay in waddooyinkii gargaarka ay sameeyeen ay ahayd tallaabo kusoo beegan tahay xiligeeda.

Wadamada kale ee Caalamka ayay ku bogaadisay Marwo Amina Erdogen in ay ku daydaan Turkiga oo kaalin Muuqata ku leh dalalka kor ku xusan ee dadkooda la daalaa dhacayaan duruufaha heysta.

Sanadkii tagay 2017-kii gargaar ay siiyeen 134 dal waxa ay tilmaantay in ay ka fa’ideysteen 201.5 Milyan oo qof oo ah shaqsiyaadka Mudan in ay gacan gurmad gaarto.

Amina ayaa sheegtay in gargaarkaas uu dhaliyay in dadkaas jaceyl u qaadaan Dowladda Turkiga, iyagana aysan dayaci doonin dadkaas oo si lamid ah u jecel yihiin sida ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in aan go’i doonin  Gargarkooda, waxa ay raacisay in ay gaarayaan Myanmar, Marinka Gaza iyo dalal kala duwan oo Afrika ah.

Isha: Newturkpost

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

11 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

13 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

17 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

18 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

18 hours ago