Gudoomiye ku xigeenkii Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan oo Xilka laga qaaday.

Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in uu xilkii ka qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddiga isla mar ahaanta ka saaray xubinnimadiisii guddiga

Sababta waxa ay ku sheegeen in uu Jebiyay Sharciga Guddiga, waxa ayna sheegeen in Dacwadaha ka dhasha go’aanka guddigaan kaliya ay ka go’aan gaari karto Maxkamadda Sare ee Dalka.

Guddiga ayaa shaaciyey in uu u cuksaday Xil ka qaadista Gudoomiye ku xigeenkii guddiga Sayid Cali iyo waliba Xubinnimada Guddiga shuruucda ay ku shaqeeyaan.

Qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee guddiga doorashooyinka ayaa u qornaa isdan

Sharciga guddiga lagu dhisay ee Sharci Lr.04. Qodobkiisa 10aad. ayaa guddiga awood u siinaya in uu xilka ka qaadi karo xubin ka mid ah haddii ay jebisa sharciga guddiga. Dacwadaha ka dhasha go’aankan guddiga ayaa waxaa kaliya go’aan ka gaari kara maxkamadda sare ee dalka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan.

Sida ku qad Qoraalka Kiiskaan ayaa muddo Lix bilood ah soo jiitamayay, waxaana ugu dambeyn ka dhashay go’aankaan Sayid Cali looga qaaday Gudoomiye ku xigeenka, loogana saaray Xubinnimada Guddiga.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka ayaa ka kooban Sagaal Xubnood, waxaana la aas-aasay 2-dii April 2015-kii, Go’aankaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay ka qaateen xubin kamid ah Guddiga”

Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay guddoomiye kuxigeenka Sayid Cali oo ah qofka ay xil ka qaadistani quseyso, iyada oo iskumar laga qaaday xilka lana sheegay in xubinnimadiisiina la baabi’iyey.

Xeerka lagu dhisay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo soo baxay bishii Febraury-2015 ayaa dhigaya sida xubnaha gudiigu kuwaayi karaan xubinnimada qodobka 10aad

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ayaa laga sugayaa in ay agaasimaan Doorasho Qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda  2021-ka, inkasta oo higsigaas uu guddigu hirgelin waayey 2016-kii in dalka ay ka dhacdo Doorasho Dadweyne.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

1 hour ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

8 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

10 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

11 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago