Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka.
Kulanka oo saacado badan qaatay waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan.
Guddoomiyaha ayaa Dhageystay talooyinka xubnaha Guddiga Maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen oo ay xalka ugu dhigi karaan khilaafka.
Xubnaha guddiga ayaa sheegay in howlo culus ay horyaallaan, isla markaana ay wadaan qorshihii ay ugu gudbi lahaayeen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto.
“Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri Gudoomiye Mursal.
Kulanka waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulllaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…