Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo sheegay in Garoowe lagu qaban karin shir aan fasax looga heysan.

Gudoomiyaha Cuusb ee Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa soo saaray amarro ka dhan ah in Garoowe lagu qbato shir aysan ka warqabin Guddiga amniga Puntland.

Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), ayaa Saxaafada Garoowe ugu sheegay ineysan cidna ka aqbaleynin in shirar la isaga qabsado Hoteelada iyo goobaha kale ee la isugu yimaado, Sababta waxa uu ku sheegay arimo amni, waloow aanu bixin faahfaahin dheeri ah.

” Waxaan rabaa inaan idiin sheego inaan Gobolka lagu qaban karin shiraan amar looga heysan Gudidga amniga Gobolka, U sheego in cidkastoo shir ku qabsnaeysa la hubiyo iney wataan ogolaanshaha Guddiga amniga” ayuu yiri Gudoomiye (Gujir).

Waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), sheegay in looga baahanyahay Warbaahinta iney door ka qaataan Nabadgelyada, ayna ka fogaadaan wax kasta oo carqalad ku keeni kara Bulshada.

Si Kastaba, Guddiga amniga Puntland ee Gobolka Nugaal, ayaa Habeen ka hor ka hor istaagay Wasiirka Qorsheynta Somaliya Jamaal Xasan Maxamed, Shir uu kula hadli lahaa dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Garoowe, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo ka hadlay tilaabadaas, wuxuu sheegay iney la xiriirto Khilaafka u dhexeeya Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland ee waqtigiisu gabaabsiga yahay, ayaa 24kii bishii hore xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ee shantii sano ee la soo dhaafay Cumar Faraweyne, wuxuuna usoo magacaabay Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Mustaqbal media

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

2 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

7 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

11 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

14 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

15 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

16 hours ago