Maxamed C/llaahi Fiidoow, guddoomiyaha xilka laga qaaday ee degmada Jalalaqsi
Maxamed C/llaahi Fiidoow, oo uu dhowaan xilka ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay xil ka qaadista uu ku sameeyay Wasiir Caadle.
Fiidoow, waxa uu sheegay inuusan ka warqabin xilka qaadista, balse uu ka maqlay oo kaliya Warbaahinta, waxa uu Mustaqbal usheegay in uu wali yahay guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi maadaama aan loo marin sifo sharci ah xilka qaadistiisa.
Wareegtada Wasiir Caadle, waxaa xilkii looga qaaday gudoomiyihii Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow, Waxaana xilkiisa loo magacaabay Ibraahim Madoobe Nuur, Sidaas oo kale waxaa xilalkii laga qaaday guddoomiye kuxigeenadii Maaliyada, Nabadgelyada iyo Siyaasadda, Samafalka iyo Horumarinta mashaariicda, waxaana xilkiisa sii heynaya oo aan laga qaadin guddoomiye kuxigeenka arimaha Bulshada.
Maxamed C/llaahi Fiidoow ayaa sheegay in uu waxbadan ka qabtay Degmada sanadihii uu xilka hayay, haatanna diyaar uyahay inuu xilka wareejiyo, balse ay tahay in la maro nidaamkii saxda ahaa, sida uu yiri.
Halkan ka dhegeyso codka Maxamed C/llaahi Fiidoow,
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…