Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa go’aamisay in tirakoob rasmi ah lagu sameeyo dadka ajaanibta ah ee kusoo qulqulaya gudaha dalka si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ay ka samaynayaan gudaha dalka iyada oo la waafajinayo hannaanka qaxootiga iyo socdaalka ee u yaalla dunida.
Go’aankaan lagu ritakoobayo ajaanibta ayaa kasoo baxay kulanka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir-gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, kaas oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiinta hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda Soomaaliya.
Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka war bixiyay qodobadii looga hadlay kulanka ayaa sheegay in dood ay golohu ka yeesheen kadib in, tirakiibka ajaanibta ku sugan gudaha Soomaaliya oo dawladda ka saacidayaa in ay hesho xogta dhamaystiran ee qof waliba ajnabi ah, loo saaray guddi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), guddigaas oo xukuummadda kusoo celinaya natiijada kasoo baxda baaritaanka ay samaynayaan si uu dawladda.
Kororka ajaanibta kusoo qulqulaysa dalka ayaa timid kadib markii dawladda Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin lagu hagaajinayo amniga kuwaas oo soo jiitay ajaanib badan oo isugu jira shaqo doon, maal-gashadayaal iyo kuwa wata fikrada ganacsi oo ay doonayaan in ay ka hir geliyaan gudaha dalka si ay uga helaan faa’iido dhaqaale.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…