GUDAHA/wararka

Guddoonka Baarlamaanka oo ganaaxay Xildhibaanno rabsho ka sameeyay fadhigooda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa qoraal uu soosaaray ku ganaaxay Xildhibaanno katirsan Golahaas oo 28kii Janaayo 2026 rabshad ka dhex sameeyay kulankooda oo ugu danbayn lagu kala tagay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay magacyada xubnaha la ganaaxay oo isugu jiray Muxaafid iyo Mucaarad kuwaas oo qaarkood isu gacan qaaday inkasta oo markii danbe ay ka heshiiyeen gacan-qaadkaas balse waxaa lagu qaaday xeer hoosaadkooda.

Xildhibaannadaan ayaa lagu ganaaxay in aysan ka qaybgali Karin 12 kulan oo isugu jira fadhiyada guud ee labada Gole iyo kan gaarka u ah Golaha Shacabka, waxa uu ganaaxa ka billaabanayaa 2da Febaraayo 2026 oo berri ah.

Halkaan ka aqriso Magacyada Xildhibaannada la ganaaxay & kuwa digniinta loo diray:

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa horyaalla cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka, kulankii Arbacada oo lagu waday in la guda-galo waxaa buuq iyo firimbi kala hortagay Xildhibaanno sheegay in ay diidan yihiin dib u eegistaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago