Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay hoggaamineysay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Ms. Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada ku aaddan diyaarinta iyo horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, iyo dhismaha hay’adaha dimoqraadiyadda.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin, isaga oo tilmaamay in Golaha Shacabka uu muddadan xoogga saarayo dhammeystirka dastuurka si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awooddooda, una helaan fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wadashaqeynta, loona guda galo dardargelinta howlaha sharci dejinta ee mudnaanta leh, si loo xaqiijiyo dowladnimada iyo nidaamka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya.
Mustaqbal
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…