Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga 4-aad ee Aqalka sare.

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare ayaa kulan ay yeesheen maanta waxay kaga hadleen Xilliga fadhiyada Golaha la bilaabayo, Warbixinadii Xog Aruurinta Guddiyadii loo kala diray Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Fadhiga ayaa markuu soo gaba gaboobay waxaa Warbaahinta la hadlay Sen, Cabdi Kaafi Macalin Xasan oo ah Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in Ajendaha  uu ka koobnaa dhowr Qodob fadhigana lagu Magacaabay Guddi laanta fulinta Dowlada kala xaajooda dhameynta Khilaafka soo kala dhex galay Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada dhexe, iyadoo dhanka kalena uu habdhoore C/kaafi Macalin Xasan uu sheegay in fadhiyada Golaha Aqalka sare BFS la go,aansaday inay bilowdaan 10 ka bishan.

“Waxaa la magacaabay Guddi laanta fulinta dowlada Federalka kala xaajooda dhameynta Khilaafkii soo kala dhex galay Dowlad goboleedyada iyo Dowlada Fderaalka Soomaaliya , Mida kale fadhiyada golaha Aqalka sare BFS waxaa la go’aansaday uu bilowdaan 10 ka bishan”ayuu yiri Habdhoore C/kaafi Macalin Xasan

Dhawaan ayay aheyd markii xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare uu gudoonka u diray inay xog aruurin kasoo sameeyaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, si xal dhab ah looga gaaro Tabashooyinka jira.

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

9 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

10 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

11 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

14 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

15 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

15 hours ago