Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta weyn ee UEFA Super Cup, taas oo bisha Agoosto dhex mari doonta kooxda Paris Saint-Germain iyo Aston Villa.
Ciyaartan oo ah mid xiiso badan ayaa ka qabsomeysa dalka Austria, iyadoo ay ka soo qeyb galayaan Malaayiin ruux.
Magacaabistan ayaa timid kaddib markii Cumar Cartan laga reebay ka qaybgalka Koobka Adduunka, ka dib markii uu Mareykanka diiday inuu Cumar galo dalkaasi.
Inkastoo arrintaasi niyad-jab ku ahayd taageerayaal badan, haddana Cumar wuxuu helay fursad kale oo weyn oo uu ku muujiyo kartidiisa heerka caalamiga ah.
Taageerayaasha Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabistan, iyagoo ku tilmaamay guul u soo hoyatay garsoorka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ciyaaraha dalka.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…