Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya,haddii ay Soomaaliya sii waddo muranka dhinaca sohdinta Badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeysa.
Afhayeenka Ganacsatada Qaadka Kenya Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in Madaxbanaanida Kenya aysan siiseyn Suuqa Qaadka ee Soomaaliya.
Waxaa mr Kimathi Munjuri , sheegay in Soomaaliya ay markasta Kenya ku handaddo joojinta Qaadka Kenya.
‘kuma iibsan karno Qaad madaxbanaanida dalkeenna,Soomaaliya mar waliba waxaa ay ku gooddisaan Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya’ ayuu yiri mr Kimathi Munjuri .
Qaadka Kenya ee Soomaaliya soo gala Maalin waliba waxaa lagu sheegay 50 tan in uu gaarayo waxaana dowladda Kenya maalin kasta ka heshaa Suuqa Qaadka Soomaaliya 100Milyan oo shilinka Kenya ah.
Soomaaliya waa Suuqa Qaadka kaliya ee ay hadda heysato Kenya,waxaana ay ka tahay 90%, maaddaama dalalka UK, Australia iyo kuwo kale ay Qaadka Kenya mamnuuceen kaddib markii ay ku sheegeen in uu daroogo yahay.
Xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ay kenya la baxday danjiraheedii Soomaaliya kii Soomaaliyana soo ceyrisay.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…