Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay nin ka ganacsan jiray Khudaarta ka soo go’da dalka.
Dilka ayaa ka dhacay suuqa Khudaarta ee Suuqa Bakaaraha qeybta Degmada Hodon, goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in labo Nin oo Baskoolado watay ay rasaas ku fureen Nin da’ ah oo magaciisa lagu soo koobay Jeeri.
Waxaa uu suuqa ku gadi jiray noocyada khudaarta sida; Bocorka, Barbarooni, Sabuulka iyo noocyada kale ee Khudaarta cagaaran.
Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta dilka kaddib,waxaana markaas kaddib goobtii tagay Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dilalka loo geysanayo dadka ganacsatada ah ayaa ku badanaya Muqdisho,iyada oo inta badan bilihii la soo dhaafay la bartilmaameedsanayay Shaqaalaha sharikadaha Ganacsiga ee ka jira Muqdisho.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…