Hay’adda Kubadda Cagta ugu sarraysa ee FIFA ayaa ugu dambayn shaacisay go’aan in muddo ah la hadal hayay in ay soo rogayso laguna dhaqangelinayo Koobka Adduunka 2026 ee furmaya 11ka Bisha June ee berri billaabanaysa.
FIFA ayaa labadaas go’aan oo kala ah kubadda gees ka laadka ah (Koornada) iyo Marka Ciyaaryahanka la siiyo Kaarka Digniinta ah ee Jaallaha ah u adeegsan doonno hubinta go’aankaas Aaladda Garsooraha caawiso ee VAR (Video Assistant Referee).
“Garsooraha marka uu doobanayo in uu go’aan ka gaaro kubadda gees ka laadka ah iyo kaarka jaallaha ah oo la siiyay Ciyaaryahan waxa uu kasii hubin karaa go’aankaas aaladda VAR” sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.
Waxyaabaha kale ee loo adeegsan jiray Aaladda VAR wax ka baddel laguma samayn waxaana keliya lagu soo daray labadaan shuruuc oo muddo aad loo hadal hayay lana sugayay in lagu dhawaaqo kahor billowga Koobka Adduunka 2026 oo ah 11ka June ee sannadkaan dhacaya.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…