Farax Macallin oo Ciidanka Kenya ku eedeeyay in ay xadgudub ka wadaan Somaliya

Hoggaamiyihii hore Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin ayaa Ciidamada Kenya ee jooga Koofurta Soomaaliya ku eedeeyay in ay qabtaan howl ka duwan howshii loo diray ee nabad ilaalinta ah.

Faarax oo bartiisa Twitter-ka farriin ku qoray ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay gabood fallo ka geystaan Gobolak Gedo,kuwaas oo ay ka mid yihiin Kufsiga Haweenka,Dilka Dadka rayidka ah iyo leynta xoolaha.

Waxaa uu Saraakiisha amaanka ee Kenya ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada ka dambeeya dhibaatada dadka Rayidka ah,waxaana uu codsaday in ciqaab la marsiiyo saraakiisha lagu helo in ay ka dambeeyaan arrintaas.

Taliyaha Ciidanka Kenyan,Gen. Mwathethe, ayuu ku yiri “waa inaad si xawaaro leh u baartaa, tallaabana uga qaaddaa Ciidamada falkaas geystay”.

Ciidamada Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay kaliya la sheegayaa in lix Haween ah ay ku kufsadeen Gobolka Gedo.

Xildhibaannada ku jira labada aqal ee ka soo jeeda Gobolkaas ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay wax ka qabato Ciidamadeeda.

Xildhibaan Cabdi Shir Ciyaar jecel oo ka mid ah XIldhibaannadaas ayaa u sheegay Idacaadda Mustaqbal in kiiska Gabdhaha la kufsaday uu Ciidanka Kenya kula korayo Maxkamad Caalami ah oo ku taalla Magaalada London.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

11 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

14 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

16 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

17 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

17 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

18 hours ago