Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar ka dhacay duleedka Ceelwaaq

Ugu yaraan 3 Qof ayaa dhimatay halka ay saddex kale ku dhaawacmeen inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Warguduud oo ka tirsan Dhulka Soomaalida Kenya.

Weerarka ayaa lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen dad Rayidka ah,waxaana la huwiyay Rasaas xoog leh oo sababtay dhimashada lix qof.

Gaariga ayaa ku socday Waddada isku xirta Ceelwaaq iyo Warguduud,waxaana KOoxda jidka u gashay ay rasaas ku fureen iyaga oo aan weydiin wax su’aalo ha.

Isbitaalka Mandheera ayaa la sheegayaa in loo gudbiyay dadka dhaawaca ah oo qaarkood la sheegayo in ay xalaaddooda liidato.

Saraakiisha Amaanka Kenya gaar ahaan Gobolka ayaa diiday in ay ka jawaabaan Taleefannada Warbaahinta Kenya ee arrintan kala xiriirtay.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii labo ka mid ah shaqaalaha dhisayay Darbiga Kenya ee xadka Soomaaliya ay ku dhinteen Qarax Miino ah.

Saraakiisha amniga Waqooyi Bari Kenya ayaa dadka shacabka ah ku eedeeyay in ay la shaqeeyaan Al-shabaab,mararka qaarna siiyaan xogaha la xiriira saffarada saraakiisha Ciidamada iyo tirada saaran Gaadiidka Dowladda ee ku safraya Gobolka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

12 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

15 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

17 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

18 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

19 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

19 hours ago