Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Eden Hazard oo ka hadlay waxa uu Zari kuso kordhiyay Chelsea.

Xidiga kooxda Chelsea ee Hazard ayaa ka hadlay waxa iska badalay kooxda inta uu joogo tababare Zari oo dhawaan qabtay shaqada Chelsea.

Sarri ayaa isha ku haya in uu wakhti fiican ku qaato England wakhtiga fasaxa xulalka dib u habayna ku sameeyo kooxdiisa kadib markii uu si deg-deg ah ku bilowday xirfada Tababaranimo ee chelsea.

Blues ayaa dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa kadib markii ay 4 guulood oo xiriir ah ka gaadhay premier League aan wax dhibic ahna lumin ilaa haatan horyaalka premier League.

Sidoo kale xiddiga Eden Hazard ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii isaga oo mar kale ku ciyaaraya isaga oo ay wajigiisa Farxad ka muuqato si la mid ah xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Mid ka mid ah qaab ciyaareedka muhiimka ah ee uu haatanba Sarri ku soo kordhiyay Blues ayaa ah qaab ciyaareedka weerarka ah ee leh xiisaha ee la daawan karo.

Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday halka arin ee uu Tababare Sarri ka badalay kooxda chelsea xilli ciyaareedkan.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Waxa aan u baahanahay in aan si deg-deg ah u ciyaarno, tababaruhu ma jecla in aanu kubada haysano”.

“Waxa uu jecelyahay in aan kubada horay u kaxayno, waxa aan arintaas ku samaynayaa tababarka dhexdiisa iyo sidoo kale inta lagu jiro ciyaarta dhexdeeda”.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

2 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

4 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

4 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

5 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago