GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya ma ku guuleysan doontaa hawlgallada AS ee ka socda dalka?

Dowladda Soomaaliya ayaa bilahii la soo dhaafay dib u billawday hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, guud ahaan dalka oo dhan gaar ahaan labada shabeelle iyo gobalka galgaduud, iyada oo hawlgalka qeb ka yihiin Ciidamada qalabka sida, NISA iyo kuwa deegaanka.

Bartamahii  Bisha Maarso, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safar kaga amba baxay magaalada Muqdisho, isaga gaaray degmooyinka iyo deegaannada furimaha hore gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ka dhigan in la Dardar galiyo howlgallada, si loo joojiyo dhaqdhaaqyada ay AS ka wadaan gobollada Shabeellooyinka, isaga oo halkaas kulamo la yeeshay saraakiisa sare ee ciidanka sida Taliyaha Ciidanka Xoogga, Taliyaha Nabad Sugida iyo saraakiisha kale.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaas kaga sii gudbay Degmadda Moqokori ee Gobalka  Hiiraan, isaga carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in gebi ahaan gobalka Hiiraan laga saaro Al-shabaab, iyada oo uu guddomiyaha gobalka Hiiraan faray dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dowladda oo hawlaglladeeda sii wadday ayaa Deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe     hawlgal ay ka fuliyeen ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, sheegeen in ugu yaraan 21 ruux oo isugu jira hoggaamiyaal iyo dagaalamayaal AS ah lagu dilay howlgalka, sida lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabadsugidda.

Saraakiisha dhinaca Amniga ayaa sheegay in howlgallada ay si gaar ah uga socdaan deegaannada hoos yimaada sida degmada Masaajid Cali Gaduud oo dagaal culus shalay ku dhexmaray AS iyo Ciidanka Dowladda.

Dhinaca kale, AS ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraro qaraxyo ku billaabanaya ku qaaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo Dowladda Soomaaliya ku dadaaleyso sidii loo joojin lahaa dhaqdhaaqyada.

Maalinimadii shalay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa Ciidamada Dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka la wareegeen, iyada oo dagaal xooggan oo u dhaxeeya labada dhinac uu ka ka dhacay gudaha Masaajid Cali Gaduud iyo deegaannada hoos yimaada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii laba jibaartay hawlgallada iyo dagaalka ka dhan ah AS, iyadoo kaa shaneysa ciidamada deegaanka, gaar ahaan hawlgallada ka socda labada shabeelle, Hiiraan iyo Galgaduud.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

20 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago