Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hay’addaha maamulka maaliyadda dalkaasi ay si khalad ah u bixiyeen ama musuq maasuqeen lacag gaareysa $236 bilyan oo Dollar kaliya sannadkii 2023.
Warbixin Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Tan iyo 20-kii sano ee la soo dhaafay, guud ahaan lacagaha si khaldan loo bixiyay ay gaareen $2.7 tirilyan, taasoo muujinaysa dhibaato muddo dheer taagnayd.
Warbixin waxay muujisay in lacagaha sida khalad loo bixiyay ay hoos u dhaceen $11 bilyan marka la eego sanadkii hore.
Guud ahaan, shan barnaamij oo waaweyn ayaa la tilmaamay in laga soo calaameeyay khaladaadka ugu badan, kuwaa oo ka ah 79% dhammaan khaladaadka dhacay sanadkii la soo dhaafay, waxaana kamid ah Medicare, Medicaid, Pandemic Unemployment Assistance, Earned Income Tax Credit (EITC), iyo Paycheck Protection Program (PPP) Loan Forgiveness.
Barnaamijka Medicaid oo $30 bilyan oo dollar lacago khaldan la bixiyay ayay arkeen xisaabiyeyaasha, halka Barnaamijka caymiska shaqo la’aanta isna lacagaha la musuq maasuaqay ka bateen $44 bilyan.
Sababta barnaamijyadan ay ugu badan yihiin khaladaadka waa in ay si toos ah lacag ugu shubaan dad badan, taasoo u sahleysa in khaladaad dhacaan ama ay musuqmaasuq la kulmaan.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto in ay yareyso khaladaadkan, iyadoo xoogga saareysa xisaab celin sax ah, hagaajinta nidaamka maaliyadeed, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…