Dowladda Federaalka oo soo dhoweysay Xarigga KorneyI Gabre.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa jiray warar soo baxayay waxa ay sheegayaan in la xiray Col. Gebregziabher Alemseged oo Soomaalida ay u taqaan  Gabre.

Sababta ugu weyn ee loo heysto ayay wararku sheegayaan in uu faragelin ku hayay Soomaaliya muddo dheer, waana tan keyntay in la xiro.

25-kii June sanadkaan 2018 waxaa laga raacdeeyay Xubin uu ka hayay Ururka Goboleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin Dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ku jirto.

Gabre ayaa Siyaasadda Soomaaliya ka muuqday tan iyo 2006-dii, kolkaas oo ay Soomaaliya soo galeen Ciidamadii Itoobiya ee garabka siinayay Dowladii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.

Qoraal uu soo dhigay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Abdinuur Maxamed Axmed waxa uu ku sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso Xarigga Gabre.

“Waa akhbaar wanaagsan in Itoobiya lagu xiray Koloneyl Gabre oo xumaan ku caanbaxay.  Waa nin muddo dheer ku lug lahaa oo faragelin iyo xasillooni-darro ku hayay Soomaaliya. Xariggiisu waxa uu muujinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay deganaanshaha geeska Afrika” ayuu ku yiri qoraalkiisa Agaasime Cabdinuur.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Dowladda Federaalka, Siyaasiyiin iyo xubnaha Bulshada ayaa Doorashooyinkii lasoo dhaafay ee Dalka ka dhacay iyo Marxaladihii Siyaasadeed ee dalka uu soo maray waxa ay sheegeen in uu dhaq-dhaqaaq Muuqdo ku lahaa Gabre.

Mustaqbal media

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

10 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

12 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

16 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

17 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

17 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

17 hours ago